Bismillah Ku sali nabigeena muxamad NNKH
![]() |
MAGACA BISHA: DUL_XAJ AMA CARAFA |
HORDHAC:
Bisha DUL_XAJ ( CARAFO) waa bisha 12 aad ee islaamka,waxaa bishan gudaheeda ku jiro maalmaha ugu fadliga badan sida: TOBANKA MAALIN EE UGU HORAYSA, MAALINTA CARAFO, IYO MAALMAHA CIIDA. bishaan gudaheeda waxaa lasameeyaa acmaal waawayn sida: GUDASHADA XAJKA IYO UDXIYADA sidookale bishaan waa mid kamid ah bilaha ugu barakada badan sanadka hijriyada islaamka sida allah ku sheegay qura'anka kariimka: SUURAT TOWBA.
[ ان عدة الشهور عندالله اثنا عشر شهرا في كتاب الله يوم خلق السموات والأرض منها اربعة حرم ذالك الدين القيم فلا تظلمو فيهن أنفسكم...] afartaan bil oo allah uu ku sheegay aayadan waxay kalayihiin:
- BIHA MUXARAM
- BISHA RAJAB
- BISHA DUL_QACD
- BISHA DUL_XAJ
1. QIIMAHA BISHA DUL_XAJ:
Alle wuxuu ku dhaartay tobanka maalin ee ugu horaysa bisha DUL_XAJ. Wuxuu yiri " "والفجر وليال عشر " wuxuu alle ayadaan ku leeyahay fajarka ayaan ku dhaartay iyo tobanka habeen. [ SUURAT AL_FAJRI: 1_2].
Culumada tafsiiraka ayaa sheegay in "TOBANKA HABEEN " ay yihiin tobanka maalmood ee ugu horaysa bisha DUL_XAJ, kuwaasoo ay ka buuxaan cibaadooyin badan iyo fursado aad ubalaadhan oo qofka muslimka ah ku kasban karo ajir wayn.
XADIIS UU IBNU_CABAAS KA WARIYAY RASUULKA NNKH WUXUU YIRI"
" Majiraan maalmo camalka wanaagsan ee uu eebe uga jacayl badanyahay maalmahan :[ TOBANKA HORE EE DUL_XAJ]. Bukhaari.
2. CIBAADOOYINKA LA SAMEEYO BISHAN DUL_XAJ:
Waxaa jiro cibaadooyin badan oo uu badin karo qofka inta lagu guda jiro tobanka hore ee bisha DUL_XAJ . waxaana kamid ah:
A. SOOMKA: soomka sagaalka maalin hore ee bishan gaarahaan maalinta CARAFO, waxaa ku jira ajir wayn. Rasuulka NNKH wuxuu yiri" [ SOOMKA MAALINTA CARAFO,WAXAAN KA RAJAYNAYAA ALLE INUU KU DHAAFO SANADKII HORE IYO KAN SOO SOCDO ].
Muslim ayaa wariyay.
B. SALAADDA DIKRIGA IYO DUCOOYINKA: waxaad ku dadaashaa dhowrida waqtiga salaada iyo sunooyinka rawaatibta ee raacsan salaadaha waajibka. Waxaad aad ubadisaa dikriga sida:
- SUBXANALLAH
- ALXAMDULILAAH
- LAA ILAAHA ILLA LAAH
- ALLAHU_AKBAR
Sidookle waxaad badisaa ducada tobankan maalin ee fadliga badan.
C. SADAQADA MAALMAHAN: Tobanka DUL_XAJ waa maalmo aad uqiima badan oo aad uga faa'iidaysan karto bixinta sadaqada adiga oo taageeraya dadka masaakiinta ah oo aan waxba haysan waxaad helaysaa ajir wayn.
D. GUDASHADA ACMAASHA XAJKA: XAJKA waa tiirka shanaad ee islaamka. Waana mid kamid ah acmaasha ugu waawayn ee la sameeyo bishan gudaheeda, gaarahaan 8AAD ILAA 13 AADN ee DUL_XAJ.
E. UDXIYADA AMA GOWRACA : waa in la qalaa xoolo si gaar ah maalinta [ 10 KA DUL_XAJ ILAA 13 DA DUL_XAJ] Tani iyana waxay leedahay fadli gaar ah.
3.WAA MAALINTEE MAALINTA UGU FADLIGA BADAN TOBANKAAN:
Maalinta carafo: waa maalinta sagaalaad [ 9] AAD ee bisha DUL_XAJ, waana maalinta ay xujaydu taaganyihiin buurta carafa. Rasuulka NNKH wuxuu yiri" [XAJKA WAA CARAFO] . Abuu_daa'uud.
Maalintan waxay leedahay fadli aad uwayn oo gaar u ah dadka xajka jooga iyo kuwa aan jooginba.
FADLIGA MAALINTA CARAFO:
1. DANBI DHAAF LABA SANO AH: sida aynu kusoo sheegnay kor xadiiska nabiga SCW waxa uu inoo sheegay soomka maalinta carafo in lagu dhaafo danbiga sanadkii hore iyo Kan soo socda.
2. DUCADA AYAA LA AQBALAA: Nabiga NNKH waxaa laga wariyay inuu yiri " [DUCADA UGU FADLIGA BADAN WAA DUCADA MAALINTA CARAFO]. Sidookle wuxuu nabiga SCW aad ubadin jiray maalintan ducadaan:
[لاإله إلا الله وحده لاشريك له له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير].
Ducada raadinta khayrka aduunyo iyo aakhira labadaba:
[ربنا ءاتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار]
3. MAALINTA CARAFO WAA MAALINTII LA DHAMAYSTIRAY DIINTA ISLAAMKA: maalinta carafo waxaa soo dagtay aayadan wayn ee kamid ah hadalka eebe:
[ اليوم اكملت لكم دينكم واتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا "]. Fasiraada aayada:
" MAANTA WAXAAN IDIIN DHAMEEYAY DIINTIINII, waxaan idiinku dhamaystiray nicmadaydii, waxaann idiinku raali noqday islaamka diin ahaan ".
4. MAALINTA CIIDA IYO MAALMAHA TASHRIIQDA:
Maalinta ciida waa maalinta tobnaad [10] kadib maalintaana waxaa bilowda maalmaha tashriiqda loo yaqaano oo kala ah [ 11, 12 IYO 13 ] . Waxaa lafaray in maalmahan la xuso allah [ TAKBIIR] lana cuno lana cabo lana sameeyo udxiyo.
Takbiirta DUL_XAJ:
Waa suno in la bilaabo salaada subax ee maalinta carafo ee 9 AAD ilaa salaada casar ee maalinta 13 aad in la takbiirsado kadib salaad walba. QAABKA TAKBIIRTA:
"[ الله اكبر، الله اكبر,لاإله إلا الله والله اكبر، والله اكبر ولله الحمد ].
5. MUXUU SAMAYN QOFKAAN XAJKA TAGIN:
Hadii aadan kamid ahayn xujayda joogta baytka alle waxaad ku dadaashaa:
- SOONKA MAALMAHA HORE EE BISHA.
- SALAADAHA SUNADA AH.
- AKHRINTA QURA'ANKA KARIIMKA.
- SADAQADA.
- DUCADA MAALINTA CARAFO.
GUNAANAD:
Gabagabadii bisha DUL_XAJ waa mid kamid ah bilaha ugu fadliga badan bilaha hijriyada eebana uu ku xusay qura'anka kariimka. Waa bil ay ku jiraan maalma waawayn sida: MAALINTA CARAFO IYO AYAAMU TASHRIIQ. Waxaa wanaagsan inuu qofka sameeyo acmaasha nuucyadeeda kala duwan sida: QURA'AN AKHRINTA, SALAADAHA SUNADA AH, TAHBIIRTA SIDA : ALLAHU_AKBAR, ALXAMDULILAAH, SUBXANALLAH IYO DUCOOYINKA MAALMAHAN . FADLIGA MAALMAHAN WAXAA KU DHAARTAY ALLE SWT WAXAANA wanaagsan inuu qofka nooleeyo maalmahan acmaasha wayn maalmahan qofka aan xajka joogin waa SOOMIDA.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
# tobanka#maalin#uguhorayso# bisha DUL_XAJ #