Bismillah Ku sali nabi muxamad NNKH
![]() |
MAGACA CABDIRIXMAAN BINU SAKHAR AL_DOWSI |
HORDHAC:
Abuu_hurayra [rc] waxa uu ahaa mid kamid saxaabadii nabiga kuwa ugu xadiis warinta badnaa. Magaciisa dhabta ah ee saxaabigan jaliilka ah waa CABDULLAHI BINU SAKHAR AL_DOWSI, Balse magaca abuu_hurayra wuxuu ku helay jacaylka uu uqabo bisadaha ama yaanyuuraha yaryar. Maqaalkaan waxaan si faahfaahsan uga hadli doonaa taariikh nolaleedka saxaabigan lafdhabarta u ahaa diinta islaamka.
ASALKIISII IYO NOLASHIISII HORE:
Cabdirixmaan binu sakhar AL_DOWSI waxa uu kasoo jeeday qabiilka DOWS, ee yaman. Inta aanu islaamin ka hor waxuu ahaa mid ladaalaa dhacayay SABOOLNIMO IYO AQOON LA'AAN DIIMEED. Abuu_hurayra waxa uu islaamay sanadkii TODOBAAD EE HIJRIYADA ISLAAMKA, isaga oo soo raacay DUFAYL BINU CAMAR AL_DOWSI oo islaamay isaga kahor.
MARKII UU ISLAAMAY IYO HIJRADIISII:
Abuu_hurayra rc markii uu islaamay kadib waxa uu uhijrooday magaalada MADIINA si uu uga faa'iidaysto cilmiga nabiga SCW. Wuxuu noqday saxaabigii ugu dhawaa nabiga SCW intii uu lajoogay madiina. Abuu_hurayra waxa uu si wayn ubaran jiray diinta islaamka gaar ahaan cilmiga axaadiista oo uu inbadan kasoo wariyay nabiga SCW.
WAA MAXAY SABABTA LOOGU BIXIYAY ABUU HURAYRA ?
Magaca saxaabiga waxa uu ka yimid kalimada carabiga ah ee [ HIRRAH] oo micnaheedu yahay BISAD YAR. Waxuu ahaa mid jecel bisadaha, wuxuu mar walbaa la soconjiray mid yar, taasoo keentay inay dadka ugu yeeraan magacan caan baxay ee
[ ABII HURAYRA] aabihii bisada.
CILMIGII IYO XIFDINTIISII AXAADIISTA NABIGA SCW:
Abuu_HURAYRA rc waxa uu ahaa saxaabiga ugu xadiis warinta badan kutubta axaadiista ee ka sugnaaday rasuulka NNKH. Waxa uu Tira ahaan ka wariyay nabiga SCW axaadiis gaadhayso ilaa 5,374 xadiis, taas oo ka dhigaysa inuu noqdo saxaabiga ugu badan soo warinta axaadiista nabiga SCW.
Tusaale ahaan kitaabka SAXIIXU_BUKHAARI waxaa ku jiro ku dhawaad 400 xadiis oo isaga laga soo wariyay.
Saxaabigan wayn ee Abuu_hurayra waxa uu ugo'ay xifdinta axaadiista nabiga SCW waxa uuna ahaa mid samir badan asagoo la ogyahay in mararka qaar uu gaajoon jiray si uu usii barto axaadiista nabiga SCW. Abuu_hurayra rc nabiga SCW ayaa ugu duceeyay in AY XUSUUSTIISA NOQOTO MIDAAN WAXBA ILOOBIN, taasoo ahayd sababta wayn ee uu cilmigiisa ugu guulaystay saxaabigan jaliilka ah alle raali haka noqdee.
KAALINTII UU KU LAHAA FAAFINTA DIINTA ISLAAMKA:
Markii uu nabiga NNKH geeriyooday Abuu_hurayra rc wuxuu sii waday faafinta diinta. Waxa uu dadka barayay axaadiista, isagoo fariin cad ka siin jiray sharciga islaamka. Abuu_hurayra wuxuu la shaqayn jiray KHULAFAA'U_RAASHIDIIN gaarahaan cumar binu_khadhaab iyo Cusmaan binu cafaan Rc.
KARAAMOOYINKII ABUU_HURAYRA RC:
Waxaan soo qaadan doonaa qaar kamid ah karaamooyinkii cajiibka ahaa ee uu ku suntanaa Abuu_hurayra alle haka raali noqdee:
1. XADIIS WARINTII UGU BADNAYD: Abuu_hurayra rc wuxuu ahaa saxaabigii ugu xadiis warinta badnaa nabiga NNKH.
2. XUSUUSTIISA OO UBARAKOWDAY: Abuu_hurayra waxaa uduceeyay nabiga NNKH inuu alle xusuustiisa ubarakeeyo.
3. LAJOOGITAANKII JOOGTADA AHAYD EE NABIGA NNKH: waxa uu si joogta ah udaa'imay la joogitaanka rasuulka SCW, isaga oo ka mid ahaa saxaabadii la odhan jiray [ ASXAABU_ SUFA] KUwaas oo waqtigooda uhibeeyay barashada diinta.
GEERIDIISII IYO RAADKII UU REEBAY:
Abuu_hurayra rc wuxuu geeriyooday sanadkii 59 EE HIJRIYADA ISLAAMKA, isagoo jooga madiina. Muslimiinta waxay si wayn uga murugoodeen geeridiisa, maadaama uu ahaa qof iftiimiyay axaadiista nabiga SCW. Waxa uu ka tagay dhaxal diin iyo cilmi ah oo aan la hilmaami karin walina muslimiinta ay ku dhaqmayaan.
GUNAANAD:
Abuu_hurayra waxa uu ahaa mid kamida saxaabada waawayn ee rasuulka SCW, wuxuu kawariyay nabiga SCW axaadiista ugu badan ee kasoo arooray. Waxa uu ahaa mid faafiya oo bara diinta dadka kale, waxa uu muujiyay samir iyo dulqaad inta uu ku guda jiray xifdinta axaadiista nabiga NNKH. Abuu_hurayra waa lafdhabarta diinta islaamka iyo mid reebay dhaxal ay dadka muslimiinta ah hilmaamayn waligood rc.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Halkaan ka aqriso maqaalo kale 👇👇:
https://www.jidkaguusha.site/2025/05/sida-salaadu-ubadasho-nolashaada-waajib.html.
https://www.jidkaguusha.site/2025/03/safiya-bintu-xuyay-hooyadii-muminiinta.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/waa-maxay-baryada-alle-swt.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/09/taariikhda-hooyadeen-khadiija.html.