" SIDA SALAADU UBADASHO NOLASHAADA: WAAJIB IYO SUNO ".

 Bismillah Ku sali nabi muxamad NNKH 

FADLIGA SALAADDA 


HORDHAC:

Salaadda waa tiirka ugu muhiimsan ee islaamka markii laga soo tago kalima towxiidka waana tiirka labaad ee islaamka. Waa xidhiidh toosa oo dhexmara adoonka iyo rabigiis. Qofka muslimka ah, salaadda waa astaanta ugu wayn ee cadaynayso iimaankiisa, dhahirnaana ka dhigayso qalbigiisa. Maqaalkaan waxaan si faahfaahsan uga hadli doonaa FADLIGA SALAADAHA WAAJIBKAA IYO SUNOOYINKA RAWAATIBTA AH EE RAACSAN EE KA SUGNAADAY RASUULKA NNKH. 

1. FADLIGA SALAADAHA WAAJIBKA AH:

A. SALAADU WAA TIIRKA LABAAD EE ISLAAMKA:

Salaaddu waxay ka mid tahay shanta tiir ee islaamka nabiga NNKH wuxuu yiri "

" islaamka waxaa lagu dhisay shan arimood: MARKHAATI FURKA INAAN ALLE MOYEE LACAABUDIN CID KALE IYO INUU NABI MUXAMAD NNKH YAHAY RASUULKII ALLE, OOGISTA SALAADDA, BIXINTA ZAKADA, SOOMIDA RAMADAANKA IYO AADIDA BAYDKA ALLE SWT. " Bukhaari iyo muslim ayaa wariyay.

Tiirkan qotadheer wuxuu adkeeyaa xidhiidhka udhaxeeya adoona iyo eebe Swt, waana tilmaan cadaynaysa muslimada qofka. 

B. SALAADDA IYO KALASAARIDA MUSLIMKA IYO GAALKA: 

Salaadda ayaa ah waxa ugu wayn ee lagu garto muslimka. Nabiga NNKH wuxuu yiri " 

" HESHIISKA NAGA DHAXEEYO ANIGA IYO IYAGA WAA SALAADDA: qofkii ka tagana WUU GAALOOBAY". (Axmed, tirmidi iyo nisaa'i) ayaa wariyay. 

Tani waxay muujinaysaa ilaalinta shanta salaaddood ee waajibka ah.

C. SALAADDA WAXAY NADIIFISAA DANBIYADA:

Mid kamid ah fadliga Salaadda ayaa ah inay tirtirto danbiyada yar yar. Nabiga NNKH waxa uu tusaale usoo qaatay qof qubaysanayo shan jeer maalintii wuxuuna yiri "  asagoo waydiinaya saxaabadiisa rc:

" BAL KAWARAMA HADII MIDKIIN UU KA HELO ALBAABKIISA WABI UU SHAN JEER MAALINTII KU QABAYSTO, MAKU HADHAYSAA WASAQ ? Waxay ku jawaabeen saxaabadii " MAYA" WUXUUNA KU YIRI NABI NNKH: " SALAADDANA WAA SIDAA OO KALE ALLE AYAA DANBIYADA YAR YAR KU TIRTIRA".waxaa wariyay ( BUKHAARI IYO MUSLIM) .

D. TUKASHADA SALAADDA JANADA IYO RAALI AHAANSHIHADA ALLE AYAA LAGA HELAA: 

Kuwa aad udhawro waqtiyada Salaaddaha waxay heli doonaan abaal Marin janno ah. ALLE WUXUU QURA'ANKIISA KU LEEYHAY: 

" KUWA DHOWRA SALAADDAHOODA, KUWAASI WAXAY GALAAN JANO SHARAF LEH ". Suurad macaarij aayada ( 34_35). 


FADLIGA RAACSAN SALAADAHA SUNOOYINKA AH: 

Sunooyinka raacsan salaadaha waajibka ah oo loo yaqaano [  RAWAATIB] waa salaado suno ah oo nabiga NNKH  si joogta ah utukan jiray, markastana muujin jiray muhiimada wayn ee sunooyinka:

A. JACAYLKA ALLE SWT: cidii ku dadaasho sunooyinka waxaa jeclaado alle swt, sida kusoo aroortay xadiis al_qudsi: 

[ ADOONKAYGA WUU IISOO DHAWAADAA SUNOOYIN ILAA AAN KA JECLAADO ].

B. BUUXINTA GAFAFKA KAAGA DHACAY SALAADAHA WAAJIBKA AH: Salaadaha rawaatibta ah waxaa lagu buuxiyaa gafafka salaadaha waajibka ah nabiga SCW wuxuu yiri "  SALAADA WAA CAMALKA UGU HOREEYA EE LAGA XISAABIYO ADOONKA MAALINTA QIYAAME HADAY SALAADA HAGAAGTANA ACMAASHIISOO DHAN WAY HAGAAGI, HADII AY WAX KA DHINAATO SALAADA EEBE SWT WUXUU UDHANAYAA : [ eeg hadii ay jiraan salaado suno ah markaas ayaa sunooyinkaa loogu dhamaystiraa gafafkii salaada waajibka ah "] [ ABUU DAA'UUD IYO TIRMIDI] baa wariyay.

C. ABAAL MARIN WAYN: nabiga NNKH wuxuu yiri " [ qofkii tukada 12 [ LABI IYO TOBAN] rakcadood oo suno ah habeen iyo maalin, alle wuxuu guri uga dhisaa janada dhaxdeeda ].

[ MUSLIM] ayaa wariyay.

12 ka rakcadood waxay kala yihiin:

1. Laba [2] rakcadood salaada subax ka hor.

2. Afar [4] rakcadood oo salaada duhur ka horaysa iyo [2] rakco oo ka dambeeyo salaada duhur.

3. Laba [2] rakcadood oo salaada maqrib kadib ah.

4. Labo [2] rakco oo salaada cishe kadib ah.

D. MUHIIMADA GAARKA AH EE LABADA RAKCO EE SALAADDA SUBAX KA HORAYSA: Sunada salaada subax waxay leedahay fadli aad uwayn waxaana noo sheegay nabiga NNKH wuxuu yiri "[  LABADA RAKCADOOD EE KA HORAYSA SALAADA SUBAX WAXAY KA KHAYR BADANYIHIIN ADUUNYADA IYO WAXA KU DHEX JURA ]. 

Tani waxay muujinaysaa fadliga gaarka ah ee labadaan rakcadood ee subaxa ka horaysa nabiga SCW uu ku dadaali jiray.


SAAMAYNTA SALAADDA QOFKA MUSLIM AH:

Tukashada salaada iyo ilaalinta waqtigeeda waxay ku leeyihiin qofka muslimka ah saamayn wayn waxaana ka mid ah:

1. JACAYLKA ALLE: Salaada waa xidhiidhka udhaxeeyo adoonka iyo rabigiis qofkii ilaaliyana wuxuu helaa jacaylka alle. Jacaylka allah waxaa lagu helaa samir, qanacsanaan iyo tawakul.

2. KALA DANBAYN IYO NIDAAM: Salaadda waxay qofka muslimka ah baraysaa WAQTIGA, NIDAAMKA IYO MASUULIYADA. Qofka tukanayana wuxuu ogyhay inuu balan la leeyahay allahiisa maalintii shan jeer. Tana waxay cadayn utahay habsami usocodka nolasha qofka muslimka ah in ay ka bilaabato salaada.

3. SALAADDA WAXAY QOFKA KA REEBTAA XUMAANTA: Salaadda waxay reebtaa faxshiga [ xumaanta] iyo munkarka. Tani waa arrin wayn oo muujinayso saamaynta salaada, qofkii daaima salaada xumaanta ayuu alle ka fogeeyaa.

GABAGABO:

Salaada waajibka ah iyo sunooyinka raacsan labadaba waa aas aaska wanaagsan ee nolasha muslimka. Salaada waa xidhiidh toosa oo uu qofka eebe layeesho. Salaada waa furaha guusha aduun iyo aakhiro labadaba. Salaada waa camalka koowaad ee la iska xisaabiyo maalinta qiyaamaha iyo tiir wayn oo ka mid ah tiirarka islaamka. qofkii dhowraa waqtigeeda iyo khushuuceeda wuxuu helaa jacaylka alle swt iyo abaal Marin wayn oo ah galitaanka janaada eebe Swt. 

SOO KOOBIDA MAQAALKA:

FADLIGA SALAADAHA WAAJIBKA AH: 

  • SALAADDA WAA TIIRKA LABAAD EE ISLAAMKA. 
  • SALAADU WAXAY TIRTIRTAA DANBIYADA. 
  • SALAADDA WAXAA LAGA HELAA JANO IYO RAALI GALINTA ALLE.

FADLIGA SUNOOYINKA RAWAATIBTA AH:

  • JACAYLKA ALLE SWT. 
  • JANADA AYAA GURI LAGAAGA DHISI.
  • SUNADA SALAADDA SUBAX WAXAY KA KHAYR BADANTAHAY ADUUNKA IYO WAXA KU JIRO.

SAAMAYNTA SALAADDA:

  • SALAADDA WAXAY REEBTAA XUMAANTA.
  • WAXAY QOFKA BARTAA NIDAAMKA IYO KALA DANBAYNTA.
  • SALAADDA WAA NUUR ADUUN IYO MID AAKHIRO. 

Halkaan kasii aqriso maqaalo Kale oo xiiso leh:

https://www.jidkaguusha.site/2025/03/safiya-bintu-xuyay-hooyadii-muminiinta.html.

https://www.jidkaguusha.site/2025/02/fadliga-bisha-barakaysan-ee-ramadaan.html.

https://www.jidkaguusha.site/2025/01/umuxabib-haweenaydii-rumaynta-iyo.html.

https://www.jidkaguusha.site/2024/11/waa-tuma-hooyadii-muminiinta-caaisha.html.

https://www.jidkaguusha.site/2024/12/waa-maxay-baryada-alle-swt.html.

https://www.jidkaguusha.site/2024/11/suaalo-iyo-jawaabo-diini-ah-qaybtii.html.

https://www.jidkaguusha.site/2024/09/taariikhda-hooyadeen-khadiija.html.

وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته 






Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post